Calaamadaha, daawada iyo tallaalka Furuqa

 Taariikhda Furuqa

 Fayraska furuqa waxa la helay 1958-kii, markii laba cudur oo furuqa  u eg ka dillaaceen kuna dhaceen degaano daanyeero  loo hayay cilmi-baadhis ahaan.In kasta oo markii hore loogu magac daray "daanyeerka", haddana weli lama garanayo meesha uu cudurkan ka yimid.

 Kiiskii ugu horreeyay ee aadanaha ee furuqa waxaa la diiwaangeliyay 1970-kii,waxaana laga helay meel ka mida afrika  oo hadda loo yaqaan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee kongo. 2022, furuqa ayaa ku fiday adduunka oo dhan. Intaa ka hor, kiisaska furuqa ee meelaha kale waxay ahaayeen kuwo naadir ah oo inta badan ku xidhan safarka ama xoolaha laga keeno gobollada uu cudurku ka jiro.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa cudurka dib ugu macag bixiyay 2022 si ay u raacaan tilmaamaha casriga ah ee magac bixinta cudurrada.


Qaabka uu u gudbo

U gudbinta furuqa qof-ka-qof waxay ku imaan kartaa taabashada tooska ah ee maqaarka caabuqa ama nabarada kale sida afka ama xubnaha taranka; sida uu u gudbo waxa ka mid ah

l Taabashad qofka cudurku hayo

l Dhunkashada

l Galmada

l Neefsashada

l Iyo isticmaalka walxo uu isticmalay dhibanuhu

 Fayrasku wuxuu jidhka ka galaa maqaarka dhawacan, oogada xuubabka(sida afka, hunguriga, indhaha, xubinta taranka, saxaro mareenka), iyo marinka neefsiga. Furuqu wuxuu ku fidi karaa xubnaha kale ee qoyska iyo lammaanaha.

 

Calaamadaha Furuqa

Furuqa{Mpox} wuxuu keenaa calaamado sida caadiga ah bilaabma usbuuc gudihii laakiin waxay bilaaban karaan 1-21 maalmood ka dib soo-gaadhista caabuqa. Calaamaduhu waxay caadi ahaan socdaan 2-4 toddobaad balse waxay ku sii jiri karaan qofka difaca jidhkiisu hooseeyo in mudo ah.

 Calaamadaha u badan ah ee furuqu waa:

 l finan

l Xumad badan{qandho}

l dhuun xanuun

l madax xanuun

l murqo xanuun

l dhabar xanuun

l tabar yari

l qanjidhada oo barara.

 


Dadka qaarkood, calaamadaha ugu horreeya ee furuqu waa finan, halka kuwa kalena laga yaabo inay yeeshaan calaamado kala duwan marka hore.

 Finanku waxay ku bilaabmaan sida nabar fidsan kaas oo isu beddela finan dareere ka buuxo oo laga yaabo inuu cuncun yeeshaan. Marka ay finanku bogsadaan, nabaradu way engagaan, kadib qolofbey yeeshaan ugu danbeynna wey dhacaan.

 Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay qabaan hal ama dhowr nabar oo maqaarka ah qaarna waxay isku arkaan boqolaal finan ama ka badan. finanku waxay ka muuqan karaan meel kasta oo jidhka ah sida:

 l Baabacooyinka gacmaha iyo cagaha

l Wejiga

l afka iyo cunaha

l Curuuqda{laalaabatooyinka}

l  xubnaha taranka iyo saxaro mareenka.

 

Dadka qaarkood waxa kale oo ay yeeshaan barar xanuun badan oo malawadka ah ama xanuun badan oo ay yeehsaan marka ay kaadinayan.

Dadka qaba caabuqa furuqa waxa ay u gudbin karaan cudurka dadka kale ilaa ay dhammaan nabarrada ka bogsadaan oo uu samaysmo lakab cusub oo maqaarka ah.

Caruurta, hooyoyinka uurka leh iyo dadka habdhiska difaaca jidhkoodu liito waxay halis ugu jiraan dhibaatooyin kaga yimaada furuqa.

 Caadi ahaan furuqu, qandho, murqo xanuun iyo cuno xanuun ayaa marka hore soo baxa. Finanka furuqa wuxuu ka bilaabmaa wejiga wuxuuna ku faafaa jdhrka oo dhan, wuxuuna gaaraa baabacooyinka gacmaha iyo cagaha isaga oo marba xaalad maraya ilaa 2-4 usbuuc.

 Dadka qaba furuqa aad ayey u xanuunsan karaan. Tusaale ahaan, maqaarka waxa ku dhici kara bakteeriya taasoo keenta dheecan ama dhaawac halis ah. Dhibaatooyinka kale waxaa ka mid ah

Ø Jeenwareen

Ø caabuq ku dhaca buda isha oo keena in aragu lumo

Ø xanuun ama liqidda oo ku adkaata qofka

Ø matag iyo shuban keena fuuq bax ama nafaqo darro

Ø Infakshanka dhiiga.

 Miyaa loo dhiman karaa furuqa

Haa, dad an tiro badaneen. Inta u dhaxaysa 0.1 boqolkiiba iyo 10 boqolkiiba dadka uu ku dhacay furuqu, ayaa dhintay.

Waxaa muhiim ah in la ogaado in heerarka dhimashada ee goobaha kala duwan ay ku kala duwanaan karaan dhowr arrimood, sida helitaanka daryeelka caafimaadka iyo difaaca jidhka oo hooseya, sida HIV aan la ogeyn iyo ku heer aad u sareeya gaadhayba ay keeni karaan dhimasho, sida ay sheegtay hay'adda caafimaadka ee Qaramada Midoobay.

 Xaaladaha intooda badan si iskood ah ayay u baxaan iyaga oo u baahan kaliya daryeel caafimad sida xanuun biiye iyo nafaqo fiican, balse dadka qaarkood ayay xaaladu ku cuslata iyada oo ku keeni karta dhimasho.

 

Tallaal ma leeyahay

Haa, waxaa jira tallaalo ay haayada caafimaadka aduunku ku talisay in loo isticmaalo ka hortagga furuqa. Sannado badan oo cilmi-baaris ah ayaa horseeday horumarinta tallaallo cusub oo badbaado leh oo loogu talagalay cudur dabar-gooyay oo loo yaqaan smallpox. Qaar ka mid ah tallaaladan ayaa laga ansixiyay wadamo kala duwan si loogu isticmaalo ka hortagga furuqa.

 FG:Balse nasiib darro wali maso gaadhin wadankeena somalia.

 Sidee looga hortagaa furuqa

Nadiifinta iyo isticmaalka jeermis-dilaha ashyaada ama walxaha iyo nadiifinta gacmahaaga ka dib markaad taabato walax ama shay wasakhaysan waxay kaa caawin karaan ka hortagga gudbinta furuqa.

 Ku dadaal nadaafada waayo naafadu waa imaanka badhkeed.

 Daryeelka uu u bahan yahay qofka qaba furuqa si uu uga so kabto

Daryeelka uu qof u baahan yahay waxay ku xidhnaan doontaa astaamihiisa iyo halista ay ugu jiraan inay qaadaan cuduro aad u daran. Dadka qaba furuqu waa inay raacaan talada dhakhtarkooda. Calaamaduhu waxay caadi ahaan socdaan 2-4 toddobaad waxayna badanaa iska tagaan iskood ama daryeel taageero ah, sida xanuun biiye  ama xumad biiye.

 Waxaa muhiim u ah qof kasta oo qaba furuqa oo guriga ku soo kabanaya inuu iska ilaaliyo fuuqbaxo,waa in uu  si fiican wax u cuno oo u helo hurdo ku filan. Dadka is karantiimayaa waa inay daryeelaan caafimaadkooda maskaxeed iyagoo samaynaya waxyaabo ay ku nastaan oo ay ku raaxaystaan, ku xidhnaadaan kuwa ay jecel yihiin iyagoo isticmaalaya tignoolajiyada, jimicsi sameeyaan haddii ay dareemaan laadnaasho.

 

W/Q: Dr Hamza Galmahday.

          

No comments:

Post a Comment

Calaamadaha, daawada iyo tallaalka Furuqa

  Taariikhda Furuqa   Fayraska furuqa  waxa la helay 1958 -kii, markii laba cudur oo furuqa  u eg ka dillaac een   kuna  dhaceen degaa no  ...