Calaamadaha, daawada iyo tallaalka Furuqa

 Taariikhda Furuqa

 Fayraska furuqa waxa la helay 1958-kii, markii laba cudur oo furuqa  u eg ka dillaaceen kuna dhaceen degaano daanyeero  loo hayay cilmi-baadhis ahaan.In kasta oo markii hore loogu magac daray "daanyeerka", haddana weli lama garanayo meesha uu cudurkan ka yimid.

 Kiiskii ugu horreeyay ee aadanaha ee furuqa waxaa la diiwaangeliyay 1970-kii,waxaana laga helay meel ka mida afrika  oo hadda loo yaqaan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee kongo. 2022, furuqa ayaa ku fiday adduunka oo dhan. Intaa ka hor, kiisaska furuqa ee meelaha kale waxay ahaayeen kuwo naadir ah oo inta badan ku xidhan safarka ama xoolaha laga keeno gobollada uu cudurku ka jiro.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa cudurka dib ugu macag bixiyay 2022 si ay u raacaan tilmaamaha casriga ah ee magac bixinta cudurrada.


Qaabka uu u gudbo

U gudbinta furuqa qof-ka-qof waxay ku imaan kartaa taabashada tooska ah ee maqaarka caabuqa ama nabarada kale sida afka ama xubnaha taranka; sida uu u gudbo waxa ka mid ah

l Taabashad qofka cudurku hayo

l Dhunkashada

l Galmada

l Neefsashada

l Iyo isticmaalka walxo uu isticmalay dhibanuhu

 Fayrasku wuxuu jidhka ka galaa maqaarka dhawacan, oogada xuubabka(sida afka, hunguriga, indhaha, xubinta taranka, saxaro mareenka), iyo marinka neefsiga. Furuqu wuxuu ku fidi karaa xubnaha kale ee qoyska iyo lammaanaha.

 

Calaamadaha Furuqa

Furuqa{Mpox} wuxuu keenaa calaamado sida caadiga ah bilaabma usbuuc gudihii laakiin waxay bilaaban karaan 1-21 maalmood ka dib soo-gaadhista caabuqa. Calaamaduhu waxay caadi ahaan socdaan 2-4 toddobaad balse waxay ku sii jiri karaan qofka difaca jidhkiisu hooseeyo in mudo ah.

 Calaamadaha u badan ah ee furuqu waa:

 l finan

l Xumad badan{qandho}

l dhuun xanuun

l madax xanuun

l murqo xanuun

l dhabar xanuun

l tabar yari

l qanjidhada oo barara.

 


Dadka qaarkood, calaamadaha ugu horreeya ee furuqu waa finan, halka kuwa kalena laga yaabo inay yeeshaan calaamado kala duwan marka hore.

 Finanku waxay ku bilaabmaan sida nabar fidsan kaas oo isu beddela finan dareere ka buuxo oo laga yaabo inuu cuncun yeeshaan. Marka ay finanku bogsadaan, nabaradu way engagaan, kadib qolofbey yeeshaan ugu danbeynna wey dhacaan.

 Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay qabaan hal ama dhowr nabar oo maqaarka ah qaarna waxay isku arkaan boqolaal finan ama ka badan. finanku waxay ka muuqan karaan meel kasta oo jidhka ah sida:

 l Baabacooyinka gacmaha iyo cagaha

l Wejiga

l afka iyo cunaha

l Curuuqda{laalaabatooyinka}

l  xubnaha taranka iyo saxaro mareenka.

 

Dadka qaarkood waxa kale oo ay yeeshaan barar xanuun badan oo malawadka ah ama xanuun badan oo ay yeehsaan marka ay kaadinayan.

Dadka qaba caabuqa furuqa waxa ay u gudbin karaan cudurka dadka kale ilaa ay dhammaan nabarrada ka bogsadaan oo uu samaysmo lakab cusub oo maqaarka ah.

Caruurta, hooyoyinka uurka leh iyo dadka habdhiska difaaca jidhkoodu liito waxay halis ugu jiraan dhibaatooyin kaga yimaada furuqa.

 Caadi ahaan furuqu, qandho, murqo xanuun iyo cuno xanuun ayaa marka hore soo baxa. Finanka furuqa wuxuu ka bilaabmaa wejiga wuxuuna ku faafaa jdhrka oo dhan, wuxuuna gaaraa baabacooyinka gacmaha iyo cagaha isaga oo marba xaalad maraya ilaa 2-4 usbuuc.

 Dadka qaba furuqa aad ayey u xanuunsan karaan. Tusaale ahaan, maqaarka waxa ku dhici kara bakteeriya taasoo keenta dheecan ama dhaawac halis ah. Dhibaatooyinka kale waxaa ka mid ah

Ø Jeenwareen

Ø caabuq ku dhaca buda isha oo keena in aragu lumo

Ø xanuun ama liqidda oo ku adkaata qofka

Ø matag iyo shuban keena fuuq bax ama nafaqo darro

Ø Infakshanka dhiiga.

 Miyaa loo dhiman karaa furuqa

Haa, dad an tiro badaneen. Inta u dhaxaysa 0.1 boqolkiiba iyo 10 boqolkiiba dadka uu ku dhacay furuqu, ayaa dhintay.

Waxaa muhiim ah in la ogaado in heerarka dhimashada ee goobaha kala duwan ay ku kala duwanaan karaan dhowr arrimood, sida helitaanka daryeelka caafimaadka iyo difaaca jidhka oo hooseya, sida HIV aan la ogeyn iyo ku heer aad u sareeya gaadhayba ay keeni karaan dhimasho, sida ay sheegtay hay'adda caafimaadka ee Qaramada Midoobay.

 Xaaladaha intooda badan si iskood ah ayay u baxaan iyaga oo u baahan kaliya daryeel caafimad sida xanuun biiye iyo nafaqo fiican, balse dadka qaarkood ayay xaaladu ku cuslata iyada oo ku keeni karta dhimasho.

 

Tallaal ma leeyahay

Haa, waxaa jira tallaalo ay haayada caafimaadka aduunku ku talisay in loo isticmaalo ka hortagga furuqa. Sannado badan oo cilmi-baaris ah ayaa horseeday horumarinta tallaallo cusub oo badbaado leh oo loogu talagalay cudur dabar-gooyay oo loo yaqaan smallpox. Qaar ka mid ah tallaaladan ayaa laga ansixiyay wadamo kala duwan si loogu isticmaalo ka hortagga furuqa.

 FG:Balse nasiib darro wali maso gaadhin wadankeena somalia.

 Sidee looga hortagaa furuqa

Nadiifinta iyo isticmaalka jeermis-dilaha ashyaada ama walxaha iyo nadiifinta gacmahaaga ka dib markaad taabato walax ama shay wasakhaysan waxay kaa caawin karaan ka hortagga gudbinta furuqa.

 Ku dadaal nadaafada waayo naafadu waa imaanka badhkeed.

 Daryeelka uu u bahan yahay qofka qaba furuqa si uu uga so kabto

Daryeelka uu qof u baahan yahay waxay ku xidhnaan doontaa astaamihiisa iyo halista ay ugu jiraan inay qaadaan cuduro aad u daran. Dadka qaba furuqu waa inay raacaan talada dhakhtarkooda. Calaamaduhu waxay caadi ahaan socdaan 2-4 toddobaad waxayna badanaa iska tagaan iskood ama daryeel taageero ah, sida xanuun biiye  ama xumad biiye.

 Waxaa muhiim u ah qof kasta oo qaba furuqa oo guriga ku soo kabanaya inuu iska ilaaliyo fuuqbaxo,waa in uu  si fiican wax u cuno oo u helo hurdo ku filan. Dadka is karantiimayaa waa inay daryeelaan caafimaadkooda maskaxeed iyagoo samaynaya waxyaabo ay ku nastaan oo ay ku raaxaystaan, ku xidhnaadaan kuwa ay jecel yihiin iyagoo isticmaalaya tignoolajiyada, jimicsi sameeyaan haddii ay dareemaan laadnaasho.

 

W/Q: Dr Hamza Galmahday.

          

Cilmi-baadhayaashu waxay ogaadeen in il-gibidhsigu uu door muhiim ah ka ciyaaro habaynta macluumaadka muuqaal-ku-darka indhaha ee maskaxda

 Cilmi-baadhayaashu waxay ogaadeen in il-gibidhsigu uu door muhiim ah ka ciyaaro habaynta macluumaadka muuqaal-ku-darka indhaha ee maskaxda

Dhowr ilbiriqsi oo kasta, indhaheenu wey il gibirsadaan- fal fudud, oo aan ikhtiyaar ahayn. In kasta oo sida caadiga ah la fahamsan yahay in il gibirsigu ay indhaheennu dufan ka dhigtaan, cilmi-baadhis cusub oo ay sameeyeen cilmi-baadhayaal ka tirsan jaamacadda Rochester ayaa daaha ka qaaday door aad u qallafsan: il-gibirsigu waxay sidoo kale ka caawisaa maskaxdeenna inay si hufan u socodsiiso macluumaadka muuqaalka{Araga}. Waxa lagu daabacay akadeemiyada Sayniska ee la idhahdo National Academy of Science, daraasaddu waxay iftiiminaysaa sida indho-xidhashadan{il-gibidhsigan} kooban ee indhaheenna ay uga qayb qaataan aragtida maskaxda.

 Bini'aadamku waxay ku qaataan qiyaastii 3 ilaa 8 boqolkiiba saacadaha ay soo jeedaan iyagoo indhahoodu xidhan yihiin il gibidhsi darteed. Marka la eego in il-gibidhsigu si kooban mugdi u gelinayo araggeena, waxaa laga yaabaa in la is weydiiyo sababta ay si joogto ah u dhacan. Sharaxaadihii hore kaliya waxa la aaminsanaa in il-gibidhsigu ka  ilaaliyaan indhaha engagga iyagoo badinaya qoyaanka indhaha.





 Marka qofku eego meel wakhti kooban waxa bilaabma in uu il-gibidhsado si ay uga caawiso sawirka ku sawirmaya qaybta danbe ee indhahu uu u ahaado mid aan shucaac lahayn, maskaxduna ay dib u bilowdo falaqeynta sawirkaa.

 

Sawirka weyn—marka indhuhu ilgibidhsadaan

 Rucci {oo borofesar ka ah Waaxda Maskaxda iyo Cilmiga garashada ee jamacada rochester}iyo asxaabtiisu waxay la socdeen dhaqdhaqaaqa indhaha bini'aadamka waxayna ku sameeyeen xogtan kombiyuutaro iyo falaqeeyaal muuqaal - falanqaynta iyo soo noqnoqoshada kala duwan ee kicinta muuqaalka araga- si ay u daraaseeyaan sida Il-gibidhsigu u saameeyaan waxa indhuhu arkaan marka la barbardhigo marka indhuhu daboolanyihiin.

 Cilmi-baadhayaashu waxay cabbireen sida ay bini'aadamku ugu nugul yihiin inay ogaadaan noocyada kala duwan ee kicinta araga, sida qaababka heerarka kala duwan ee faahfaahinta indhaha. Waxay ogaadeen in marka dadku il-gibidhsadaan, ay ku fiicnaadaan inay ogaadaan wax weyn, oo si tartiib tartiib ah u beddelaya qaababka araga. Sidaa aawaded, il-gibidhsigu waxay siisaa maskaxda macluumaadka ku saabsan sawirka guud ee muuqaalka araga.

Natiijooyinku waxay muujinayaan in marka aan il-gibidhsano, dhaqdhaqaaqa degdegga ah ee daboolka indhaha ayaa beddela qaababka iftiinka taas oo waxtar u  leh kicinta qaybta danbe ee isha{retina}. Tani waxay maskaxdeena u abuurtaa calaamado muuqaal oo ka duwan marka loo eego marka ay indhaheenu furmaan oo ay diirada saaraan meel gaar ah.

 


Natiijadan waxa ay cadeynaysa in aragtidu u dhow dahay dareemayaasha kale. Markii hore waxa la aaminsanaa in aragu ka duwan yahay dareenka taabashada iyo urta, balse waxay darasadan beenisay in ay kala madax banaanyihiin dareemayaashu.sidaa waxa idhi prof Rucci.

 

W/Q: Dr Hamza Galmahday






Ma ogtahay in cabashadu ay dib u danabeynayso maskaxdaada oo ay dhaawacayso caafimaadkaaga?!

 Ma ogtahay in cabashadu ay dib u danabeynayso maskaxdaada oo ay dhaawacayso caafimaadkaaga?!

 Cabashada waa muujinta xumaan ama xanaaq lasoo darsay qof. In kasta oo laga yaabo in aan u maleyneyno inaan "ku nafisayno", dhab ahaantii, cabashadu waxay saameyn weyn ku leedahay maskaxdeena iyo farxaddeena.

 Dhammaanteen waan cabannaa: celceliska qofka ayaa ka cawda meel kasta inta u dhaxaysa 15 iyo 30 jeer maalintii.Haddii aad is weydiisay inta jeer ee aad maanta cabatay, malaha waa mid aan la soo koobi karin. Guud ahaan kama dacwoonno inaan dadka kale ku jidh dilno, balse waxan u maleynaa in aan soo bandhigayno shucuurteena intaa kadibna aan rajeynayno inan dareenno fiicnaan.

 


 Cilmi-baadhistu waxay muujinaysaa in dadka intooda badani ay cawdaan hal mar daqiiqadii inta lagu jiro wada sheekeysiga caadiga ah. Cabashadu waa soo jiidasho sababtoo ah waxaad dareemeysaa wanaag, sida waxyaabo kale oo badan oo lagu raaxaysto - sida sigaar cabista.

Si kastaba ha ahaatee waxaa jira cillado naxdin leh oo ku saabsan sababtan. Ma aha kaliya in cabashada aynaan ku dareemin fiicnaan, laakiin sidoo kale waxay dareensiisaa dhegaystayaasheena dareen aan wanaagsaneen.Cabashadu waxay u xun tahay niyadeena iyo niyadda dadka inagu xeeran ee dhegaysanaya, laakiin intaas oo kaliya ma aha waxa ay kharibayso cabashadu balse waxay sidoo kale u xun tahay maskaxdaada iyo caafimaadkaaga.

 

Sidee cabashadu u saamaysaa maskaxda?

 Cilmi-baadhis ay samaysay Jaamacadda Stanford  aya ogaatay in cabashadu ay yarayso xajmiga qayb ka mid ah maskaxda oo loo yaqaan hippocampus, kaas oo mas'uul ka ah xusuusta iyo xallinta dhibaatooyinka. Daraasadu waxay ogaatay in ku mashquulida cabashada ama maqalka qof cabanaya in ka badan 30 daqiiqo ay jidh ahaan dhaawac u gaysan karto maskaxdeena.

Ka bini'aadam ahaan, maskaxdeenu guud ahaan ma rabto inay shaqeyso wax ka adag inta ay tahay inay gabi ahaanba shaqeyso. Markaan ku cel celino dabeecadaha qaarkood - sida cabashada - neerfayaashu way kala baxaan si ay macluumaadka si sahlan ugu gudbiyaan.Mar kasta oo aad si joogto ah u cabato, waxa aad kordhinaysaa suurtagalnimada in aad ka fikirto fikradaha xun xun hadhow.

 Mar kasta oo korontadan la kiciyo, dhamadka neerfiyadu way isku soo dhawaadaan si ay u yareeyaan masaafada ay korontodu ka gudbayso…isku soo dhawaashahaa waxa uu sababayaa in cabashadii si dhib yar loo soo celiyo mar danbe.

 Sidaa awaadadeed, marka aad fikirto aad ayay kuugu fududaanaysaa in aad mar kale fikirkaas yeelato - taas oo aan war wanaagsan u ahayn dadka rajo-beelka ah! Mar kasta oo aad cabato waxa ay maskaxdaadu u yeelanaysaa caado ama waxay u noqonaysaa nolol maalmeedkeeda.

 

Waa maxay sababta ay cabashadu ugu xun tahay caafimaadkaaga?

 Marka aan cabanayno, hormoonka cortisol ayaa lagu sii daayaa jidhka, kaas oo sidoo kale mas'uul ka ah jawaabta dagaalka-ama-duulimaadka{ Marka qofku cadheysanyahay ama cabsoonayo}. Marka jawaab-celinta dagaalka-ama-duulimaadka la hawlgeliyo, maskaxdeenu waxay  ka yareesaa dhiigga, ogsijiinta iyo tamarta xubnaha aan loo baahneen xiligaa dagalka lagu jiro iyada oo u jiheysa xubnaha muhimka ah. Cabashada soo noqnoqota waxay keentaa in dheecanka cortisol lagu sii daayo heerar aad u sarreeya, taas oo ina gelinaysa khatarta ah inay inagu dhacaan cudurrada wadnaha, kolestaroolka sare, macaanka, buurnaanta iyo faaliga

 

Mid ka mid ah daraasad lagu daabacay joornaalka Archives of General Psychiatry ayaa lagu ogaaday in celcelis ahaan,dadka rajada fiican ay u muuqdaan inay ka cimri dheer yihiin kuwa cabashada ama rajada xun. Dadka rajada leh ayaa la ogaaday in 55% ay hoos u dhacday khatarta dhimashada dhammaan sababaha waxayna 23% ku yaryihin  inay u dhintaan cudurrada wadnaha..

 Samee doorasho miyir leh

 Inta aynaan caban, waxa aynu leenahay doorasho. Hubaal, xaaladdu way nagu adkaan kartaa. Laakiin waxaan dooran karnaa inaan barano oo aan diiradda saarno sida xaaladdu noo wanaajin karto, noo korin karto, noogana dhigi karto dad wanaagsan.


W/Q: Dr Hamza Galmahday

Caalamadaha dubaabka iyo sida looga hor tago

 Calaamadaha ku imaada qofka marka uu joojiyo qaadka

Calaamada lasoo gudboonaada marka qofku uu joojiyo qaadka taas oo loo garan ogyahay DUBAAB.

Dadka qaadka cuna muda ka badan 1 sanno badi (68.2%) oo iyaga ka mid ah ayaa sheegay in ay la kulmeen calaamado kala duwan marka ay joojiyaan cunista qaadka ama ay yareeyaan xadiga qaadka ee ay cuni jireen.

 



Calaamadaha soo noqnoqda ee inta badan lagu arko waxay ahaayeen

1. Niyad jab farabadan {65.3%}.

2. Damac badan {46.4%}.

3. Daal badan {36.3%}.

4. Abateedka oo bata {29.7%}.

5. Xanaaq badan {26.7%}.

6. Hurdo badan {20.8%}.

7. Habeenkii oo ay sasaan ama ay ku riyoodaan riyo xun {20.8%}

.

Marka laga imaado caalamadaaha sare sido kale waxa lagu arkaa

8. Hurdo la’aan

9. Gubasho jidhka oo dhan ah

10. Gacmaha oo olola

11. Carabka oo gariira

12. Cidhbaha oo kululaada

13. Faraha gacmaha oo gariira iyo

14. Madax xanuun badan kaas oo xanuun biiyuhu karin.

 

 

Kuwaa lagu arkay caalamadaa dubaabka, 55.4% badanaa waxay dareemeen calaamadahan muddo ka badan toban saacadood, 7.9% ka mid ahna 6-10 saacadood, 23.8% 1-5 saacadood, iyo 12.9% waxay dareemeen in ka yar 1 saac. Sidoo kale, qayb weyn oo iyaga ka mid ah (66.3%) ayaa sheegay in calaamadaha dubaabku ay ku sababaan daciifnimo xagga bulshada ah,sida shaqada, ama meelaha kale ee muhiimka ah ee nololmaalmeedkooda.

 

Talaabooyinka sun saarista qaadka

Iska daynta balwadda qaadku waa tallaabo muhiim u ah soo kabashada. Waxay ku lug leedahay tallaabooyin taxane ah oo ujeedadeedu tahay in si badbaado leh looga saaro dawada jidhka oo loo maareeyo calaamadaha dubaabka.

Waa kuwan tillaabooyinka muhiimka ah ee habka sun saarista-ee balwadda qaadku:

 

1. Qiimaynta Caafimaadka qofka

Tallaabada ugu horreysa ee habka sun-saaristu waa qiimeyn caafimaad oo dhammaystiran. Tani waxay ku lug leedahay baadhis jidheed iyo dib u eegis lagu sameeyo taariikhda caafimaad ee qofka isaga oo la wareysanayo. Xirfadlaha daryeelka caafimaadku wuxuu qiimeyn doonaa darnaanta balwadda, xaalad kasta oo caafimaad oo hoose, oo go'aamin doonta qorshaha ugu habboon ee sun-saarista qaadka.

2. Kormeer Caafimaad

Inta lagu jiro habka sun-saarista, waa lagama maarmaan in la yeesho kormeer caafimaad. Tani waxay hubinaysaa badbaadada iyo fayoobaanta shakhsiga inta lagu jiro muddada ka bixitaanka ama dubaabka. Xirfadlayaasha caafimaadku waxay la socon doonaan calaamadaha muhiimka ah, maareyn karaan dhibaatooyin kasta oo soo bixi kara, waxayna bixin karaan daawooyinka lagama maarmaanka ah si loo yareeyo calaamadaha dubaabka.

3. Joojinta qaadka si tartiib tartiib ah

Qaadka oo loo joojiyo si aayar aayar ah waa habka ugu caansan ee looga hor tagi karo dubaabka. In loo joojiyo aayar ayaa ka fiican in lawada joojiyo mar kaliya taas oo keeni kartaa halis caafmaad maadama uu la qabsaday jidhku.tani waxay ka qayb qaadanaysa daaweynta dubaabka.

4. Dawooyin oo qofka la siiyo

Xaaladaha qaarkood, daawaynta lagu kaalmeeyo dawooyinka ayaa laga yaabaa in la isticmaalo xilliga qaad-joojinta. Daawooyinka sida dawooyinka niyad-jabka ama daawooyinka ka-hortagga walaaca ayaa laga yaabaa in loo qoro si loo maareeyo calaamadaha dubaabka iyo taageeridda fayo-qabka guud ee shakhsiga inta lagu jiro habka sun saarista.

 

5. Nafaqeyn

Nafaqada saxda ah ayaa muhiim u ah inta lagu jiro habka sunta. Balwadda qaadku waxa ay keentaa nafaqo darro, sidaa awgeed waxa lama huraan ah in jidhka lagu buuxiyo nafaqooyinka muhiimka u ah. Cunto dheellitiran, waxay gacan ka geysan kartaa soo celinta caafimaadka jireed waxayna taageertaa habka soo kabashada.

 

6. Dhiirigalin 

Qabatinka qaadku wuxuu saamayn wayn ku yeelan karaa caafimaadka maskaxda. Sidaa darteed, taageerada nafsigu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah habka sun-saarista. La-talin shaqsiyeed, daawaynta kooxeed, iyo kooxaha taageerada waxay ku siin karaan taageero shucuureed.qofka qaadka joojinaya oo la dhiirigaliyo waxay ka mid tahay hababka u caansan ee soo kabashada.

 

7. Qorshaynta daryeelka ka dib

Ka dib marka la dhammeeyo habka sun-saarista, waa muhiim in la sameeyo qorshe daryeel-caafimaad oo dhammaystiran. Tan waxa ku jiri kara daawaynta socota, kooxaha taageerada, iyo isbeddelka qaab nololeedka si loo ilaaliyo miyir-qabka loogana hortago soo noqoshada. Qorshaynta daryeelka ka dib waxay caawisaa shakhsiyaadka inay ka gudbaan sun-saarista una gudbaan soo kabashada muddada-dheer.

 

Waxaa muhiim ah in la ogaado in habka sun-saarista ee balwadda qaadku ay kala duwanaan karto iyadoo ku xiran duruufaha gaarka ah. Raadinta caawimo xirfadle ah oo ku takhasusay qabatinka ama xarumaha daawaynta ayaa aad loogu talinayaa si loo hubiyo nadiifinta balwada ee shakhsiga,badbaadada iyo guusha.

 

Faa'iidooyinka laga helo joojinta Qaadka

Iska daynta qaadka, oo sidoo kale loo yaqaan "daroogada qaadka," waxay u yeelan kartaa faa'iidooyin badan shakhsiyaadka la halgamaya balwadda. Waa kuwan qaar ka mid ah faa'iidooyinka ugu muhiimsan ee laga helo joojinta qaadka:

1. Caafimaad jidheed

Isticmaalka qaadka ee muddada dheer waxa uu jidhka ku keenaa dhibaatooyin caafimaad oo kala duwan. Marka uu qofku iska daayo qaadka, shakhsiyaadku waxay jidhkooda siiyaan fursad uu ku bogsado oo uu kusoo kabsado. Tani waxay keeni kartaa wanaajinta caafimaadka wadnaha iyo xididada, hoos u dhaca khatarta istaroogga iyo dhibaatooyinka wadnaha, iyo guud ahaan badqabka jidheed oo wanaagsan.

2. Caafimaadka Maskaxda aya xoogeysta

Qabatinka qaadku waxa uu saamayn weyn ku yeelan karaa caafimaadka maskaxda, isaga oo u horseedaya calaamado ay ka mid yihiin walaac, niyad-jab, iyo miyir beel. Iska daynta qaadku waxay u oggolaanaysaa shakhsiyaadka inay wax ka qabtaan arrimahan lasoo gudboonaaday ee caafimaadka dhimirka oo ay raadsadaan daaweyn habboon. Natiijo ahaan, shakhsiyaadku  waxaa laga yaabaa inay la kulmaan niyadda oo soo hagaagaysa, welwelka oo yaraaday, iyo dareen firfircooni maskaxeed oo weyn.

 

3. Xakamaynta dib loo helay

Mid ka mid ah faa'iidooyinka ugu muhiimsan ee joojinta qaadka ayaa ah dib u soo celinta xakamaynta nolosha qofka. Balwaduhu waxay cuni karaan fikradaha qofka, ficiladiisa, iyo xidhiidhadiisa, taasoo ka dhigaysa mid adag inuu ku noolaado nolol dhammaystiran oo waxtar leh. Iyadoo loo marayo habka detox-ka, shakhsiyaadku waxay ka xoroobi doonan hagardaamooyinka balwadda taas oo ay dib u hanaan doonaan xakameynta doorashadooda, yoolalkooda, iyo xiriiradooda.

4. Waxaa wanagsananaya xidhidhka aad la leedahay dadka

Qabatinka qaadku waxa uu xumeeyaa xidhiidhka qoyska, asxaabta, iyo kuwa aad jeceshahay. Joojnta qaadku waxay siinaysaa fursad dib-u-dhiska iyo hagaajinta xidhiidhadan. Markaad raadsato caawimo xirfadle ah iyo muujinta ka go'naanta soo kabashada, shakhsiyaadka waxay dib u dhisi karaan kalsoonida, kobcin karaan xiriiro caafimaad qaba, waxayna xoojin karaan nidaamkooda taageerada.

 

5. Isku-kalsoonaanta oo korodha

Ka gudubka qabatinka iyo si guul leh u dhammaystirka barnaamijka sun sarista qaadku waxay si weyn kor ugu qaadi kartaa isku kalsoonida qofka. Waxay daliil u tahay xoogga, adkaysiga iyo go'aan qaadashada qofka. Qaadashada tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si looga saaro sunta qaadka, shakhsiyaadku waxay kobcin karaan dareenka kibirka iyo aaminsanaanta awoodda ay uga gudbaan caqabadaha.

Guud ahaan, joojinta qaadku waxay u horseedi kartaa caafimaad, farxad, iyo nolol dheregsan. Waa lagama maarmaan ah in la xasuusto in sun-saarku ay tahay kaliya tallaabada ugu horreysa ee safarka soo kabashada, iyo taageerada joogtada ah iyo daaweynta ayaa muhiim u ah guusha mustaqbalka fog.

Akhriste maxad ka faaiday qormooyinka taxanaha ahaa ee aynu ka qornay dhibatada qaadka.

 

Allaa mahad le


W/Q: Dr Hamza Galmahday

Calaamadaha, daawada iyo tallaalka Furuqa

  Taariikhda Furuqa   Fayraska furuqa  waxa la helay 1958 -kii, markii laba cudur oo furuqa  u eg ka dillaac een   kuna  dhaceen degaa no  ...