Saameynta Cayayaan dilaha lagu buufiyo qaadku ku leeyahay bini'aadamka qaybtii 2aad

 2. Chlorpyrifos

Chlorpyrifos  waa sun ka mid ah kuwa lagu buufiyo qaadka.

Chlorpyrifos  waa sunta cayayaanka oo ah kareem cad oo adag oo leh ur xooggan. Si fiican uguma qasanto biyaha, sidaas awgeed inta badan waxaa lagu qasaa dareere saliid leh ka hor inta aan la marin dalagga ama xoolaha. Waxa kale oo laga yaabaa in lagu dabaqo dalagyada qaab kaabsal ah{kiniin ah}.


                                        Sidee ayay kuso gaadhaa suntu dadka

Suntan badanaa waxaa loo isticmaalaa

1. cayayaanka guriga sida baranbarada, dukhsiga, tukhanka, qudhaanta iyo wixi la mida.

2. Waxay kugu so gaadhi kartaa hadii aad ku  neefsato hawada bannaanka guryaha ama dhismayaal kale oo chlorpyrifos lagu buufiyay ama la mariyay dhulka ku hareeraysan si loo xakameeyo cayayaanka.

3. Neefsashada qofku neefsado hawo beer oo lagu buufiyay sunta ama taabto meel la mariyay sunta.

 Sidee chlorpyrifos u saameyn kartaa caafimaadkayga?

 Neefsashada hawada ee aagga ay chlorpyrifos dhawaan lagu buufiyay waxay sababi kartaa saameyno kala duwan oo ku yimaada habdhiska dareenka oo ay ka mid yihiin

1. madax-xanuun,

2. aragga oo xumaada iyo indhaha oo ilmeeya(oo loo yaqaan lacrimation)

3. candhuuf badan

4. Sankoo duuf badan yeesha

5. Dawakhaad iyo jahawareer

6. murqaha oo daciifa ama gariira

7. Lallabbo/yalaalugo

8. Shuban

9. iyo garaaca wadnaha oo kordha. 

 Saameyntu waxay ku xiran tahay qadarka sun ee hawada ku jirtay iyo dhererka waqtiga uu xaalada ku jiray qofku.

 Soo-gaadhista qofka heer  sare waxay keeni kartaa dhidid daran, luminta xakamaynta mindhicirada, gariir xoogan oo murqaha ah, qalal, miyir beelid (coma), ama dhimasho.

 FG: Dadka qaadka cuna aad ayay ugu nugulyihiin waxaa oo calaaamada an kaso warannay maadama ay iyagu maalin kaste la kulman ama cunanba.

 

3.  Profenofos

 waa mid ka mid ah cayayaan dilaha loo yaqaano organophosphate ee inta badan la isticmaalo adduunka. Marka loo isticmaalo dalagyada, xadi hadhaa ah ayaa ku faafa deegaanka hawada, ciidda, iyo biyaha iyaga oo ugu danbeyn u gudba dadka.

 Saameynta Caafmaad ee Profenofos

 Profenofos waxay sababi kartaa joojinta dheecaanka cholinesterase{ dhecanka kiciya habdhiska dareenka} ee bini'aadamka; taas oo keeni karta yaraansho ku imaada habdhiska dareenka kaas oo sababa  

 

1. Lalabo

2. Dawakhaad iyo jahawareer

3. iyo marka laga helo xaddi aad u sarreeya  waxay keeni kartaa

4. Shilal ama neefsashada oo curyamta oo ugu danbeyn keenta dhimasho.

 FG: suntan cayayaan waa ta 3aad ee laga helo qaadka marka laga imaado Chlorpyrifos iyo dimethoate.

                                                     4. Dimethoate

 Dimethoate, waa cayayaan dile oo u habaysan ama u dhaqma sida joojinta dheecanka cholinesterases,kaaso ku lug leh gudbinta dareenka dareemayaasha. Kiimiko ahaan, waa organophosphate. Sida dhammaan organophosphates waxay la xiriirtaa gaaska dareemayaasha waxayna ka mid tahay kuwa ugu sunta badan dhammaan sunta cayayaanka ee laf dhabarleyda, oo ay ku jiraan bini'aadamku.

 Waxay u sheqeesa sidii ay u sheqeynayeen dhaman cayayan dilaysaahi aynu kaso hadalnay sido kale waxay keentaa wax la mida kuwii hore.

 FG: sidii aan kuso aragnay cilmi baadhistii hore waa cayayaan dilaha labaad ee ku jira Qaadka ama lagu buufiyo iyadoo 30 kii qaad ee lagu sameeyay cilmi baadhista  laga helay 24 ka mida oo ka  dhigan 80%.

 

 

W/Q: Dr Galmahday

Saameynta Cayayandilaha lagu buufiyo qaadku ku leyahay bili’aadanka {Qaybti 1aad}

Saameynta Cayayandilaha lagu buufiyo qaadku ku leyahay bili’aadanka {Qaybti 1aad}

Beeralayda ayaa isticmaala sunta cayayaanka oo aad u badan si ay u kordhiyaan wax soo saarka qaadka. Maadaama qaadka ay cunaan dad badan oo Ethiopian iyo soomali ah sida caadada u ah, waxaa laga yaabaa in haraaga sunta cayayaanka ah ee caleenta qaadka ay ku badan yihiin taas oo saameyn xun ku yeelata dadka cuna qaadka. Isticmaalka xad-dhaafka ah ee sunta cayayaanka ee Qaadku waxay sababtaa kansarka, genotoxicity, iyo khalkhalyada ku imaada dheecaanada jidhka{endocrine}. Daraasadda hadda jirta waxay ujeeddadeedu ahayd in la go'aamiyo uruurinta hadhaaga sunta cayayaanka ee lagu buufiyo qaadka iyo in la qiyaaso khatarta caafimaad ee suurtagalka ah.

 


30 nooc oo qaad ah ayaa laga soo ururiyay beeralayda qaadka ee gobolka Axmaarada ee Itoobiya. Soo saarista hadhaaga sunta cayayaanka iyo nadiifinta shaybaarada qaadka ayaa la sameeyay iyadoo la adeegsanayo habka QuEChERS.

Waxa kale oo la ururiyey xog ku saabsan la doortayaal shakhsiyeed oo qabatimay cunista qaadka. Waxaa la go'aamiyay inta ay le'eg tahay sunta cayayaanku waxaana la qiyaasay khataraha caafimaadka. Natiijooyinka kasoo baxay waxay u dhacday sida tan Profenofos, 6 ka mida oo u dhiganta(20%), dimethoate,24 (80%), iyo chlorpyrifos ayaa laga helay 28 (93.3%) saanbaladii la qaatay ee qaadka. Si kastaba ha ahaatee, diazinon waxaa lagu ogaadey laba muunad oo kaliya iyo endosulfan I lama ogaan gabi ahaanba.

 

 

Beeralayda meelo badan oo ka tirsan Itoobiya ayaa sheegay in ay inta badan isticmaalaan DDT (dichlorodiphenyltrichloroethane) iyo sunta cayayaanka kale iyagoo kali ah ama lagu qasay sun cayayaan oo kale si ay u dilaan cayayaanka qaadka. Daraasad lagu sameeyay balaadhinta qaadka ee Wondo genet, ee koonfurta iyo badhtamaha Itoobiya, ayaa lagu ogaaday in beeralayda qaadka beera ay isticmaalaan noocyada kala duwan ee sunta cayayaanka iyago buufiya 1-2 jeer toddobaadkii. Sidoo kale, daraasaad lagu sameeyay heerka sunta cayayaanka ee gobollada kale ee Itoobiya ayaa sidoo kale caddaynaysa isticmaalka sunta cayayaanka ee ujeedadoodu tahay in si fiican u baxo Qaadku.

 

 

Isticmaalka sunta cayayaanka sida kiimikooyinka beeraya qaadku waxay u keeni karaan waxyeelo badan dhanka caafimaadka, dadka iyo deegaankaba.xadi  badan iyo isticmaalka joogtada ah ee qaadku waxay keeni karaan waxyeelo daran oo ka ah neerfaha, maskaxda, wadnaha, ilkaha, caloosha,kaadi-mareenka iyo dhamaan xubnaha jidhka.

 

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu sifeeyay sunta cayayaanka sida DDT, chlorpyrifos, diazinon, dimethoate, iyo profenofos isagoo u aqoonsaday suntoodu inay  hoos yimaadan fasalka II (mid dhexdhexaad ah sun ahaan).

                                                            1.DDT

Dichlorodiphenyltrichloroethane, oo loo yaqaan DDT, waa mid aan midab lahayn, dhadhamin, sido kale aan ur lahayn oo ka mida gurubka organochloride la idhahdo. Asal ahaan waxa loo sameeyay sidii cayayaan-dile, waxa ay caan ku noqotay saamaynteeda ay ku lahayd deegaanka. DDT waxa markii ugu horaysay sameeyay 1874 kii saynisiyaanki usteeriyanka aha e la odhan jiray Othmar Zeidler. Falka cayayaan-ka-dilista ee DDT waxa daah furay saynisiyaankii Swiss Paul Hermann Müller 1939. DDT waxa la isticmaalay qeybtii danbe  ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka si loo xaddido faafitaanka cudurrada ka dhasha cayayaanka ee duumada iyo tiifowga ee ciidamada. Müller waxa lagu abaalmariyay abaalmarinta Nobel Prize ee Physiology iyo Medicine 1948-kii "sababtoo ah daahfurka waxtarka sare ee DDT{sunta la xidhiidha cayaayanka}.Ololihii ka hortagga duumada ee haayada caafmadka aduunka{WHO}sannadihii 1950-meeyadii iyo 1960-aadkii ayaa si weyn ugu tiirsanaa DDT, natiijaduna waxay ahaayeen kuwo rajo leh, inkastoo ay dib u soo cusboonaatay waddamada soo koraya ka dib.

 

Waxa dib looga soo horjeestay cayayaan dilaha DDT da kadib buugii ay qortay Rachel Carson ee la odhan jiray Silent Spring, kaasoo ka hadlayay saamaynta deegaanka ee la xidhiidha isticmaalka baahsan ee DDT ee beeraha Maraykanka.

 

Buuggu waxa uu soo xigtay sheegashooyinka ah in DDT iyo sunta cayayaanka kale ay sababeen kansarka iyo in isticmaalkooda beeruhu uu khatar ku yahay duurjoogta, gaar ahaan shimbiraha.

Dichlorodiphenyltrichloroethane (DDT) waa sunta cayayaanka loo isticmaalo beeraha. Maraykanku waxa uu mamnuucay isticmaalka DDT 1972. Wadamo ka baxsan Maraykanka ayaa wali isticmaala DDT si ay u xakameeyaan kaneecada faafisa duumada. DDT iyo kiimikooyinka la xidhiidha waxay ku sii jiraan muddo dheer deegaanka iyo unugyada xoolaha{oo ay ku jiraan bili’aadanku}.

 Caafmaad darada ay keenaan cayayaan dilaha DDT

Saamaynta caafimaadka bini'aadamka ee ka imanaysa DDT ee qiyaasaha deegaanka ee hooseeya lama garanayo. Dabagal lagu sameeyayn dad in badan la kulmay cayaayaan dilaha ayaa waxa lagu ogaaday in ay ku keeneen matag farabadan, gariir,qadhqadhyo,iyo qalal.

 Saameyntooda caafmaad ee fog waxa ka mida

 1. Waxay hoos u dhigaan dheecanka raganimada.

2. Hooyada oo ay ku sababaan dhicis{Abortion}.

3. Kansarka naasaha.

4. Hooyooyinka la kulma heerar sare oo DDT ah oo ku wareegaya dhiiggooda inta ay uurka leeyihiin ayaa la ogaaday in ay aad ugu dhowyihiin inay dhalaan carruur kuwaas oo uu ku dhici doona cudurka autism.

5. Kansarka ganaca.

Iyo qaar kale oo badan.

 

 

W/Q: Dr Hamze Galmahday

Calaamadaha, daawada iyo tallaalka Furuqa

  Taariikhda Furuqa   Fayraska furuqa  waxa la helay 1958 -kii, markii laba cudur oo furuqa  u eg ka dillaac een   kuna  dhaceen degaa no  ...