Caalamadaha dubaabka iyo sida looga hor tago

 Calaamadaha ku imaada qofka marka uu joojiyo qaadka

Calaamada lasoo gudboonaada marka qofku uu joojiyo qaadka taas oo loo garan ogyahay DUBAAB.

Dadka qaadka cuna muda ka badan 1 sanno badi (68.2%) oo iyaga ka mid ah ayaa sheegay in ay la kulmeen calaamado kala duwan marka ay joojiyaan cunista qaadka ama ay yareeyaan xadiga qaadka ee ay cuni jireen.

 



Calaamadaha soo noqnoqda ee inta badan lagu arko waxay ahaayeen

1. Niyad jab farabadan {65.3%}.

2. Damac badan {46.4%}.

3. Daal badan {36.3%}.

4. Abateedka oo bata {29.7%}.

5. Xanaaq badan {26.7%}.

6. Hurdo badan {20.8%}.

7. Habeenkii oo ay sasaan ama ay ku riyoodaan riyo xun {20.8%}

.

Marka laga imaado caalamadaaha sare sido kale waxa lagu arkaa

8. Hurdo la’aan

9. Gubasho jidhka oo dhan ah

10. Gacmaha oo olola

11. Carabka oo gariira

12. Cidhbaha oo kululaada

13. Faraha gacmaha oo gariira iyo

14. Madax xanuun badan kaas oo xanuun biiyuhu karin.

 

 

Kuwaa lagu arkay caalamadaa dubaabka, 55.4% badanaa waxay dareemeen calaamadahan muddo ka badan toban saacadood, 7.9% ka mid ahna 6-10 saacadood, 23.8% 1-5 saacadood, iyo 12.9% waxay dareemeen in ka yar 1 saac. Sidoo kale, qayb weyn oo iyaga ka mid ah (66.3%) ayaa sheegay in calaamadaha dubaabku ay ku sababaan daciifnimo xagga bulshada ah,sida shaqada, ama meelaha kale ee muhiimka ah ee nololmaalmeedkooda.

 

Talaabooyinka sun saarista qaadka

Iska daynta balwadda qaadku waa tallaabo muhiim u ah soo kabashada. Waxay ku lug leedahay tallaabooyin taxane ah oo ujeedadeedu tahay in si badbaado leh looga saaro dawada jidhka oo loo maareeyo calaamadaha dubaabka.

Waa kuwan tillaabooyinka muhiimka ah ee habka sun saarista-ee balwadda qaadku:

 

1. Qiimaynta Caafimaadka qofka

Tallaabada ugu horreysa ee habka sun-saaristu waa qiimeyn caafimaad oo dhammaystiran. Tani waxay ku lug leedahay baadhis jidheed iyo dib u eegis lagu sameeyo taariikhda caafimaad ee qofka isaga oo la wareysanayo. Xirfadlaha daryeelka caafimaadku wuxuu qiimeyn doonaa darnaanta balwadda, xaalad kasta oo caafimaad oo hoose, oo go'aamin doonta qorshaha ugu habboon ee sun-saarista qaadka.

2. Kormeer Caafimaad

Inta lagu jiro habka sun-saarista, waa lagama maarmaan in la yeesho kormeer caafimaad. Tani waxay hubinaysaa badbaadada iyo fayoobaanta shakhsiga inta lagu jiro muddada ka bixitaanka ama dubaabka. Xirfadlayaasha caafimaadku waxay la socon doonaan calaamadaha muhiimka ah, maareyn karaan dhibaatooyin kasta oo soo bixi kara, waxayna bixin karaan daawooyinka lagama maarmaanka ah si loo yareeyo calaamadaha dubaabka.

3. Joojinta qaadka si tartiib tartiib ah

Qaadka oo loo joojiyo si aayar aayar ah waa habka ugu caansan ee looga hor tagi karo dubaabka. In loo joojiyo aayar ayaa ka fiican in lawada joojiyo mar kaliya taas oo keeni kartaa halis caafmaad maadama uu la qabsaday jidhku.tani waxay ka qayb qaadanaysa daaweynta dubaabka.

4. Dawooyin oo qofka la siiyo

Xaaladaha qaarkood, daawaynta lagu kaalmeeyo dawooyinka ayaa laga yaabaa in la isticmaalo xilliga qaad-joojinta. Daawooyinka sida dawooyinka niyad-jabka ama daawooyinka ka-hortagga walaaca ayaa laga yaabaa in loo qoro si loo maareeyo calaamadaha dubaabka iyo taageeridda fayo-qabka guud ee shakhsiga inta lagu jiro habka sun saarista.

 

5. Nafaqeyn

Nafaqada saxda ah ayaa muhiim u ah inta lagu jiro habka sunta. Balwadda qaadku waxa ay keentaa nafaqo darro, sidaa awgeed waxa lama huraan ah in jidhka lagu buuxiyo nafaqooyinka muhiimka u ah. Cunto dheellitiran, waxay gacan ka geysan kartaa soo celinta caafimaadka jireed waxayna taageertaa habka soo kabashada.

 

6. Dhiirigalin 

Qabatinka qaadku wuxuu saamayn wayn ku yeelan karaa caafimaadka maskaxda. Sidaa darteed, taageerada nafsigu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah habka sun-saarista. La-talin shaqsiyeed, daawaynta kooxeed, iyo kooxaha taageerada waxay ku siin karaan taageero shucuureed.qofka qaadka joojinaya oo la dhiirigaliyo waxay ka mid tahay hababka u caansan ee soo kabashada.

 

7. Qorshaynta daryeelka ka dib

Ka dib marka la dhammeeyo habka sun-saarista, waa muhiim in la sameeyo qorshe daryeel-caafimaad oo dhammaystiran. Tan waxa ku jiri kara daawaynta socota, kooxaha taageerada, iyo isbeddelka qaab nololeedka si loo ilaaliyo miyir-qabka loogana hortago soo noqoshada. Qorshaynta daryeelka ka dib waxay caawisaa shakhsiyaadka inay ka gudbaan sun-saarista una gudbaan soo kabashada muddada-dheer.

 

Waxaa muhiim ah in la ogaado in habka sun-saarista ee balwadda qaadku ay kala duwanaan karto iyadoo ku xiran duruufaha gaarka ah. Raadinta caawimo xirfadle ah oo ku takhasusay qabatinka ama xarumaha daawaynta ayaa aad loogu talinayaa si loo hubiyo nadiifinta balwada ee shakhsiga,badbaadada iyo guusha.

 

Faa'iidooyinka laga helo joojinta Qaadka

Iska daynta qaadka, oo sidoo kale loo yaqaan "daroogada qaadka," waxay u yeelan kartaa faa'iidooyin badan shakhsiyaadka la halgamaya balwadda. Waa kuwan qaar ka mid ah faa'iidooyinka ugu muhiimsan ee laga helo joojinta qaadka:

1. Caafimaad jidheed

Isticmaalka qaadka ee muddada dheer waxa uu jidhka ku keenaa dhibaatooyin caafimaad oo kala duwan. Marka uu qofku iska daayo qaadka, shakhsiyaadku waxay jidhkooda siiyaan fursad uu ku bogsado oo uu kusoo kabsado. Tani waxay keeni kartaa wanaajinta caafimaadka wadnaha iyo xididada, hoos u dhaca khatarta istaroogga iyo dhibaatooyinka wadnaha, iyo guud ahaan badqabka jidheed oo wanaagsan.

2. Caafimaadka Maskaxda aya xoogeysta

Qabatinka qaadku waxa uu saamayn weyn ku yeelan karaa caafimaadka maskaxda, isaga oo u horseedaya calaamado ay ka mid yihiin walaac, niyad-jab, iyo miyir beel. Iska daynta qaadku waxay u oggolaanaysaa shakhsiyaadka inay wax ka qabtaan arrimahan lasoo gudboonaaday ee caafimaadka dhimirka oo ay raadsadaan daaweyn habboon. Natiijo ahaan, shakhsiyaadku  waxaa laga yaabaa inay la kulmaan niyadda oo soo hagaagaysa, welwelka oo yaraaday, iyo dareen firfircooni maskaxeed oo weyn.

 

3. Xakamaynta dib loo helay

Mid ka mid ah faa'iidooyinka ugu muhiimsan ee joojinta qaadka ayaa ah dib u soo celinta xakamaynta nolosha qofka. Balwaduhu waxay cuni karaan fikradaha qofka, ficiladiisa, iyo xidhiidhadiisa, taasoo ka dhigaysa mid adag inuu ku noolaado nolol dhammaystiran oo waxtar leh. Iyadoo loo marayo habka detox-ka, shakhsiyaadku waxay ka xoroobi doonan hagardaamooyinka balwadda taas oo ay dib u hanaan doonaan xakameynta doorashadooda, yoolalkooda, iyo xiriiradooda.

4. Waxaa wanagsananaya xidhidhka aad la leedahay dadka

Qabatinka qaadku waxa uu xumeeyaa xidhiidhka qoyska, asxaabta, iyo kuwa aad jeceshahay. Joojnta qaadku waxay siinaysaa fursad dib-u-dhiska iyo hagaajinta xidhiidhadan. Markaad raadsato caawimo xirfadle ah iyo muujinta ka go'naanta soo kabashada, shakhsiyaadka waxay dib u dhisi karaan kalsoonida, kobcin karaan xiriiro caafimaad qaba, waxayna xoojin karaan nidaamkooda taageerada.

 

5. Isku-kalsoonaanta oo korodha

Ka gudubka qabatinka iyo si guul leh u dhammaystirka barnaamijka sun sarista qaadku waxay si weyn kor ugu qaadi kartaa isku kalsoonida qofka. Waxay daliil u tahay xoogga, adkaysiga iyo go'aan qaadashada qofka. Qaadashada tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si looga saaro sunta qaadka, shakhsiyaadku waxay kobcin karaan dareenka kibirka iyo aaminsanaanta awoodda ay uga gudbaan caqabadaha.

Guud ahaan, joojinta qaadku waxay u horseedi kartaa caafimaad, farxad, iyo nolol dheregsan. Waa lagama maarmaan ah in la xasuusto in sun-saarku ay tahay kaliya tallaabada ugu horreysa ee safarka soo kabashada, iyo taageerada joogtada ah iyo daaweynta ayaa muhiim u ah guusha mustaqbalka fog.

Akhriste maxad ka faaiday qormooyinka taxanaha ahaa ee aynu ka qornay dhibatada qaadka.

 

Allaa mahad le


W/Q: Dr Hamza Galmahday

Xidhiidhka ka dhexeeya isticmaalka qaadka iyo tubaakada

 Xidhiidhka ka dhexeeya isticmaalka qaadka iyo tubaakada

 Inta lagu jiro kalfadhiyada qaadka, isticmaalayaashu waxay cunaan tubaako aad u badan. Waxaan aragnay in ku dhawaad 55% dadka qaadka cuna ay sidoo kale si joogto ah u cabaan sigaarka, waxaana arrintan taageeray cilmi-baaris ay sameeyeen ardayda caafimaadka ee jaamacadda Cadan oo muujisay 42% dadka qaadka cuna in ay aad u cabaan sigaarka, 9.3% ka mid ah ka qaybgalayaasha ayaa sheegay in ay sigaarka cabbaan marka ay qayilaan oo keliya.



 

Daraasado lagu baarayay saamaynta tubaakada ayaa muujisay in sigaar cabista muddada dheer ay gacan ka geysato habacsanaanta jawaab celinta qofka, iyo in nikotiinku si ba'an u saameeyo qaybta maskaxda u qaabilsan jawaab celinta dagdaga. Sidoo kale waxa ay kordhisaa dhaqdhaqaqa farta taas oo keenta in uu qofku joojin kari waayo farta ayna u socoto sidi inu tusbax rogayo oo kale.

 

Xidhiidhka ka dhexeeya qaadka iyo khamriga

Sababo la xiriira saamaynta kicinta ba'an ee qaadka iyo saamaynta uu ku leeyahay niyadda iyo hurdada, dadka cuna qaadku waxa kale oo laga yaabaa inay u isticmaalaan khamriga hab ay ku dejiyaan.

Daraasad hore oo lagu baadhay isticmaalka khamriga iyo qaadka ee Kenya ayaa lagu ogaaday in in ka badan saddex meelood laba meel dadka cuna qaadku ay isticmaalaan khamriga halka 41% dadka qaadka cuna ay aad u cabbaan khamriga.

 

Khalkhalka ku imaada faseexnimada ay maskaxdu ku hesho, fahanto ugana jawaabto macluumaadka{Complex Information Processing Speed}.

Qaar ka mid ah isticmaalayaasha metanfitamin-ka wakhtiga dheer waxay caddaynayaan yaraanta wax-dhisidda aragga dagdaga ah.Qaar ka mid ah dadka wakhtiga dheer isticmaala maadada metanfitaminka ayaa sidoo kale lagu arkay waxqabadka liita ee hawlaha xawaaraha garashada iyo khalkhal ku imaada  macluumaadka, sidoo kale waxay si liidata u qabtaan hawlaha isku daraya xirfadahan iyo wax akhriska dagdaga ah ee indhaha.

 

Feejignaanta iyo Xusuusta Shaqada

Kiliinik ahaan, maadooyinka methamphetamine-ku-tiirsan waxay u muuqdaan kuwo mashquuliya oo waxay muujinayaan dhibaatooyin xagga feejignaanta.Arrintan ayaa sidoo kale si lama filaan ah looga soo sheegay dadka cuna qaadka, in kasta oo aaggan shaqada garashada aan si taxadar leh loogu baarin goobta shaybaadhka.maadadan anfitaamin ee ku jirta qaadka ayaa la ogaaday in dadka ay ku keento naafanimo dhanka feejignaanta iyo soo jeedka qofka ah iyadoo lagu baadhay shaybaadh loo yaqaan Kala saarida kalarka iyo qoraalka{ Stroop Test}.

 

Qaabkan loo yaqaan stroop test gu waxa loo isticmaala in qofka lagu ogaado soo jeedka iyo feejignantisu inta ay leegtahay iyadoo qofka la tusayo qoraal. Kadib la weydiinayo qoraalkaasi midabka uu ku qoran yahay isagoo la iska indha tirayo qoraalka laftarkiisa.tusaale ahaan meel ayaa lagu qorayaa xarafka buluug laakiin khadku waa casaan marka aya qofkii la odhanaya sheeg midabka uu ku qoran yahay balse qofkii soo jeedkiisu hooseeyo waxa uu akhrinaya qoraalkii meesha ku qornaa ee ahaa Buluug halka laga rabay inuu idhahdo Casaan taas aya lo yaqaanaa Stroop Test am kala saarka midabka iyo qoraalka.Sidaas oo ay tahay  dadka qaadka cuna aad ayay ugu dhacaan maadama uu liito feejignanta qofku.

 

Ciladaha ku imaada xasuusta dhow ee uu keeno qaadku

Isticmaalka ballaaran ee metanfitaminka ayaa sidoo kale si isdaba joog ah loola xiriiriyay cilladaha xusuusta dhow.Qaybtan ka shaqaynta garashada lagama baarin dadka cuna qaadka balse waxaynu ognahay in ay isku shaqo yihin madadan.hoos u dhaca xauusta dhow ayaa aad ugu badan dadka cuna maandooriyaasha iyaga oo ay ku adkaato in ay dib uso celyaan magacyada iyo erayada ay maqleen wakhti yar ka hor.dadka qaadka cuna aya lagu arkay inay ku adagtahay xasuusaha qaar sida meesha uu ku baarkin gareeyay gaadhigiisa shalay subaxi iyo sida halkii uu u safray bishii hore.

 

Darasad ay sameysay macadka WOODS aya sheegaya in dadka maandoriyahan isticmaala ay ku adagtahay waxbarashadu sido kale ayna soo celin karin wixi ay maqleen.

 

Hawlaha Fulinta

 Falanqaynta daraasada la sameeyay dhawaan (Scott, et al., 2007) waxay xustay jiritaanka cillad fulineed oo weyn oo ku jirta isticmaalayaasha Metanfitaamin ka mudada dheer la qaato.

xirfadaha garashada heerka sare ee aad isticmaasho si aad u maamusho oo aad isugu xidho awoodahaaga garashada iyo dabeecadahaaga kale ayaa hoos u dhaca dadka qaadka cuna sidaa aawadeed looma dhiibo shaqooyinka u baahan maskax maalka.

 Hoos u dhaca ku imaada shaqada fulinta{Excutive function}, oo ay ku jiraan qaybaha garashada ee sababaynta aan la taaban karin, qorshaynta, iyo dabacsanaanta dabeecadda ayaa lagu arkay dadka qaadka sida joogtada u cuna.

 Waxaa jira cadeymo sii kordhaya oo sidoo kale soo jeedinaya in isticmaalayaasha qaadka ee daba-dheeraaday ay caddaynayaan dhibaatooyin la taaban karo oo la xidhiidha niyad-jabka iyo awoodaha go'aan-qaadashada ee daciifka ah. Shakhsiyaadka ku tiirsan Methamphetamine waxay soo bandhigaan go'aan-qaadasho khatar ah iyo dhibaatooyin ka haysta xakamaynta kicinta sida lagu arkay dareenkooda degdegga ah iyo abaalmarinta soo daahaysa ee maskaxda.

 

FG: Qiyaasta ku habboon ee qaadku waxay ku xidhan tahay dhawr arrimood sida da'da isticmaalaha, caafimaadka, iyo dhawr xaaladood oo kale. Waqti xaadirkan ma jiraan xog cilmiyaysan oo ku filan si loo go'aamiyo qiyaasta ku haboon ee qaadka. Maskaxda ku hay in geedaha dabiiciga ahi aanay had iyo jeer lahayn badbaado qoran oo cilmi ah qiyaasuhuna ay noqon karaan kuwo muhiim ah. Hubi inaad raacdo tilmaamaha ku habboon la tasho farmasiistahaaga ama dhakhtarkaaga ama xirfadle kale oo daryeel caafimaad ka hor intaadan isticmaalin qaadka.

Calaamadaha, daawada iyo tallaalka Furuqa

  Taariikhda Furuqa   Fayraska furuqa  waxa la helay 1958 -kii, markii laba cudur oo furuqa  u eg ka dillaac een   kuna  dhaceen degaa no  ...