Cilmi-baadhayaashu waxay ogaadeen in il-gibidhsigu uu door muhiim ah ka ciyaaro habaynta macluumaadka muuqaal-ku-darka indhaha ee maskaxda

 Cilmi-baadhayaashu waxay ogaadeen in il-gibidhsigu uu door muhiim ah ka ciyaaro habaynta macluumaadka muuqaal-ku-darka indhaha ee maskaxda

Dhowr ilbiriqsi oo kasta, indhaheenu wey il gibirsadaan- fal fudud, oo aan ikhtiyaar ahayn. In kasta oo sida caadiga ah la fahamsan yahay in il gibirsigu ay indhaheennu dufan ka dhigtaan, cilmi-baadhis cusub oo ay sameeyeen cilmi-baadhayaal ka tirsan jaamacadda Rochester ayaa daaha ka qaaday door aad u qallafsan: il-gibirsigu waxay sidoo kale ka caawisaa maskaxdeenna inay si hufan u socodsiiso macluumaadka muuqaalka{Araga}. Waxa lagu daabacay akadeemiyada Sayniska ee la idhahdo National Academy of Science, daraasaddu waxay iftiiminaysaa sida indho-xidhashadan{il-gibidhsigan} kooban ee indhaheenna ay uga qayb qaataan aragtida maskaxda.

 Bini'aadamku waxay ku qaataan qiyaastii 3 ilaa 8 boqolkiiba saacadaha ay soo jeedaan iyagoo indhahoodu xidhan yihiin il gibidhsi darteed. Marka la eego in il-gibidhsigu si kooban mugdi u gelinayo araggeena, waxaa laga yaabaa in la is weydiiyo sababta ay si joogto ah u dhacan. Sharaxaadihii hore kaliya waxa la aaminsanaa in il-gibidhsigu ka  ilaaliyaan indhaha engagga iyagoo badinaya qoyaanka indhaha.





 Marka qofku eego meel wakhti kooban waxa bilaabma in uu il-gibidhsado si ay uga caawiso sawirka ku sawirmaya qaybta danbe ee indhahu uu u ahaado mid aan shucaac lahayn, maskaxduna ay dib u bilowdo falaqeynta sawirkaa.

 

Sawirka weyn—marka indhuhu ilgibidhsadaan

 Rucci {oo borofesar ka ah Waaxda Maskaxda iyo Cilmiga garashada ee jamacada rochester}iyo asxaabtiisu waxay la socdeen dhaqdhaqaaqa indhaha bini'aadamka waxayna ku sameeyeen xogtan kombiyuutaro iyo falaqeeyaal muuqaal - falanqaynta iyo soo noqnoqoshada kala duwan ee kicinta muuqaalka araga- si ay u daraaseeyaan sida Il-gibidhsigu u saameeyaan waxa indhuhu arkaan marka la barbardhigo marka indhuhu daboolanyihiin.

 Cilmi-baadhayaashu waxay cabbireen sida ay bini'aadamku ugu nugul yihiin inay ogaadaan noocyada kala duwan ee kicinta araga, sida qaababka heerarka kala duwan ee faahfaahinta indhaha. Waxay ogaadeen in marka dadku il-gibidhsadaan, ay ku fiicnaadaan inay ogaadaan wax weyn, oo si tartiib tartiib ah u beddelaya qaababka araga. Sidaa aawaded, il-gibidhsigu waxay siisaa maskaxda macluumaadka ku saabsan sawirka guud ee muuqaalka araga.

Natiijooyinku waxay muujinayaan in marka aan il-gibidhsano, dhaqdhaqaaqa degdegga ah ee daboolka indhaha ayaa beddela qaababka iftiinka taas oo waxtar u  leh kicinta qaybta danbe ee isha{retina}. Tani waxay maskaxdeena u abuurtaa calaamado muuqaal oo ka duwan marka loo eego marka ay indhaheenu furmaan oo ay diirada saaraan meel gaar ah.

 


Natiijadan waxa ay cadeynaysa in aragtidu u dhow dahay dareemayaasha kale. Markii hore waxa la aaminsanaa in aragu ka duwan yahay dareenka taabashada iyo urta, balse waxay darasadan beenisay in ay kala madax banaanyihiin dareemayaashu.sidaa waxa idhi prof Rucci.

 

W/Q: Dr Hamza Galmahday






No comments:

Post a Comment

Calaamadaha, daawada iyo tallaalka Furuqa

  Taariikhda Furuqa   Fayraska furuqa  waxa la helay 1958 -kii, markii laba cudur oo furuqa  u eg ka dillaac een   kuna  dhaceen degaa no  ...