Taariikhda qaadka oo kooban
Qaadku waa geed cagaar ah kaasoo ka kooban laba walxood oo firfircooni keena oo loo yaqaan kaatiin iyo kaatinoon{ Cathin and Cathinone}.
Asal ahan qaadku waxa uu kasoo jeedaa itoobiya, bariga afrika, iyo jasiirada koonfureed ee carabta.
Geedka caleemihiisu waxay leeyihiin ur daxal xigeen ah iyo dhadhan qadhaadh ah kuwaas oo la calaliyo kadibna la dhigo daanka si looga nuugo maadada kicisa dareenka qofka ee ku jirta caleenta qaadka ee Kaatinoon{ Cathinone}.
Caleemaha yaryar iyo qoriga geedka waxa ku jira walxo firfircoon oo nafsi ah, kuwaas oo keena farxad iyo kicin dareen oo ah sida maadada amphetamine.
Wararkii ugu danbeeyay aya shegaya in 20 milyan oo qof oo aduunka ku kala nool ay si joogto ah u cunaan qaadka si ay uga helaan farxad iyo firfircooni, inkastoo la ogyahay in cunista qaadku ay keento xaalado caafmaad darro.
Cadaymaha taarikhda aya shegaya in isticmaalka qaadku uu ka jiray itoobiya iyo gobolada koonfureed ee carabta ilaa qarnigii 13aad xitaa kahor beerista iyo isticmaalka kafeega{Coffee}.
30kii sano ee lasoo dhaafay helitaanka iyo isticmaalka qaadku waxa uu ku faafay aduunka oo dhan oo ay ku jiraan maraykan iyo yurub.inta badan dadka isticmaala dunida galbeedka waa kooxaha soogalootiga{Immigrants}, ee ka yimid bariga africa ama bariga dhexe.
Gaadiidka caalamiga ah iyo helitaanka qaadka waxa kor u qaaday horumarinta qaababka synthetic ee qaybtiisa firfircoon.
Haayada caafimaadka aduunka{WHO} ayaa qaadka u aqoonsan inuu yahay daroogo xadgudub ah{aan sharci ahayn} maadaama uu keeno dhibaatooyin caafmaad daro oo kala duwan.si kastaba ha aahate wuxu sharci ka yahay dalalka qaarkood oo ay somalia ku jirto.
Qaadka ayaa muddo dheer ka mid ahaa dhaqanka yaman waaxana loo adeegsadaa dhacdo kaste oo bulsheed, waxa aad moodaa in gayga soomalidana sidaa kusii socda waayo markad qof ka duceynaysid qaad keen ayaa lagu odhanayaa.
Warbixanta Qaadka
Qaadku waa geed qunyar u kora oo sida caadiga ah gaadha dhererka 1-5 mitir (3 fiit - 16 fiit).Si kastaba ha ahaatee, wuxu gaari karaa dhererka ilaa 10 m (33 ft) meelaha dhulbaraha ah. Qaadku wuxuu inta badan ku baxa deegaan oomane ah, heerkulkiisuna yahay 5-35 darajo Celsius (41-95 feeraneet).Wuxuu leeyahay caleemo weligood cagaar ah, kuwaas oo dhererkoodu yahay 5-10 sentimitir (2-4 inji) , balacooduna yahay 1-4 cm (0.39-1.6 in).
Geedka qaadku si uu dhererkiisa u gaadho waxa ay ku qaadanaysaa todoba ilaa sideed sano. Marka laga reebo helitaanka qorraxda iyo biyaha, qaadku wuxuu u baahan yahay daryeel yar. Biyaha dhulka hoostiisa ah waxaa inta badan laga soo dhaamiyaa ceelasha dhaadheer matoorada naaftada si ay u waraabiyaan dalagyada qaadka.
Dhirta ayaa si aad ah loo waraabiyaa laga bilaabo qiyaastii hal bil ka hor inta aan la goyn si caleemaha iyo jirida looga dhigo kuwo jilicsan oo qoyan. Geedka wanaagsan ee qaadka ah ayaa la goosan karaa afar jeer sannadkii, taasoo siinaysa il dhaqaale oo sannadle ah beeralayda.
Akhriste makula tahay qaadku inuu kamida yahay aafooyinka soomaalida haysata wakhti xaadirkan.
Dr Galmahday
